Wararka Soomaalida
Dabkii caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lagu guulaysatay in la demiyo+sawiro
Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyey dabkii caawa fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii saacado ay ku howlanaayeen deminta dabkaas. Dabkan ayaa lagu soo waramayaa inuu gaystay khasaaro hantiyadeed iyo 6 qof oo wax yeelo ka soo gaartay dabkaas xili sida la sheegay ay saarnaayeen dhismaha dabka […]
Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyey dabkii caawa fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii saacado ay ku howlanaayeen deminta dabkaas.
Dabkan ayaa lagu soo waramayaa inuu gaystay khasaaro hantiyadeed iyo 6 qof oo wax yeelo ka soo gaartay dabkaas xili sida la sheegay ay saarnaayeen dhismaha dabka ka kacay qaybta sare ee dabaqa xiligii dabkan uu ka hayey.
Dabka ayaa la sheegay inuu qabta dhexe ee dabaqa uu ka bilowday ka dibna 6 qof ay ku go,doomeen qaybta sare ee dabaqaas.
Guddoomiyaha Dagmada Howlwadaag Mutaf Cali Kheyre iyo Qaar kamid ah Howlwadeenada gaadiidka Dab demiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay inuu aad uyaryahay khasaaraha uu gaystay dabkaas.