Wararka Soomaalida
Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo ku fiday goobo horleh
Waxaa soo xoogaystay Dabkii Caawa ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku fiday Bakhaaro horleh iyadoo uu soo baabi,iyey Bakhaaro iyo Carwooyin lagu iibinjiray dharka iyo Roogagga waaweyn. Dabkan ayaa ka soo bilowday qaybta Bacadlaha ee dharka lagu iibiyo waxaana sabab u ahaa Korontada ku jirta Bacadlaha dharka oo qarax samaysay […]
Waxaa soo xoogaystay Dabkii Caawa ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku fiday Bakhaaro horleh iyadoo uu soo baabi,iyey Bakhaaro iyo Carwooyin lagu iibinjiray dharka iyo Roogagga waaweyn.
Dabkan ayaa ka soo bilowday qaybta Bacadlaha ee dharka lagu iibiyo waxaana sabab u ahaa Korontada ku jirta Bacadlaha dharka oo qarax samaysay xili habeen ay tahay Suuqana laga wada hoyday oo cidlo uu yahay.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqaas ayaa caawa ku hanti beelay iyadoo qaar kalana hadda uu ceyrtaynayo haddii aan laga gaarin xowliga Dabkan hadda uu ku socdo.
Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sanadwaliba waxaa waqtiyan markii la gaaro qayb ka mid ah ka kaca Dab Khasaaro ugaysta Ganacsatada Suuqaas ku ganacsata.
Dabkan caawa ka kacay Suuqan ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo hadda Soomaaliya la joogo xiligii Dabaylaha waxaana sii xoojinaya Dabka ayaa ah Dabeesha xoogga badan leh ee habeen iyo maalinba si,isku mid ah usocota.