Wararka Soomaalida
Dabkii kaalinka shidaal ka kacay oo lagu guulaystay in la damiyo
Dabkii xoogganaa ee caawa fiidkii ka kacay Kaalinka Shidaal ee ku yaala wadada Xaafadda la yiraahdo Bile Rafle kuna taalla Dhinaca Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa in lagu guulaysatay in la damiyo ka dib dadaal uu muujiyey Maamulka Degmada Gaalkacyo. Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca waqooyi Yaasiin Cabdi samad oo la socda […]
Dabkii xoogganaa ee caawa fiidkii ka kacay Kaalinka Shidaal ee ku yaala wadada Xaafadda la yiraahdo Bile Rafle kuna taalla Dhinaca Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa in lagu guulaysatay in la damiyo ka dib dadaal uu muujiyey Maamulka Degmada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca waqooyi Yaasiin Cabdi samad oo la socda Gaari dab damis ah ayaa gaaray goobtii uu dabku ka kacay waxaana lagu guulaystay in la damiyo dabkaas oo gaystay khasaaro hantiyadeed.
Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya intii lagu guda jiray daminta dabkaas in uu gaystay Khasaaro hantiyadeed ka dib markii dabkan uu utalaabay goobo kale oo ganacsi.
Gudoomiye Yaasiin Cabdi Samad iyo mas,uuliyiinta kale ee gaaray goobta dabkaas uu ka kacay ayaan masheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dabkaas.