Wararka Soomaalida
Dablay hubaysan oo Tab layaab leh dil uga fuliyey Dayniile
Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa galabta waxay si la yaab leh ugu dileen xaafad ka mid ah Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir askari ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka xili uu hor fadhiyey gurigiisa sida ay inoo sheegeen dadka degan Xaafada dilka uu ka dhacay. Askarigan oo ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka gaar […]
Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa galabta waxay si la yaab leh ugu dileen xaafad ka mid ah Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir askari ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka xili uu hor fadhiyey gurigiisa sida ay inoo sheegeen dadka degan Xaafada dilka uu ka dhacay.
Askarigan oo ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay u yimaadeen labadaan dhalinyarada ah xili askariga uu ku Qayilayey Geed Qurac ah oo ku dhinac yaalay gurigiisa.
Dhalinyaradan ayaa askariga waydiistay in Qaadka uu wax ka siiyo ka dibna uu ka ogolaaday in ay la soo fariistaan ka dibna ay kula Qayilaan inta uu haysto.
Dhalinyaradii iyo askariga ayaa la noo sheegay inay bilaabeen in ay wada Qayilaan inkastoo Dhalinyaradan ujeedkooda uusan ahayn in Qaad ay canaan balse u jeedka qaabkan ay ka damacsanaayeen uu ahaa kaliya farsamadii ay ku dili lahaayeen askarigaas.
Markii in yar ay la fadhiyeen askariga Qaadkiina xoogga laamo ah ay ka cuneen ayaa waxaa dhacday in labada dhalinyarada ah ay la soo baxaan Bastoolado ka dibna Madaxa ka saaraan Askarigii ka ogolaaday inay la Qayilaan ka dib markii ay weydiisteen.
Dablaydii dhalinyarada ahaa kana koobnaa labo ayaa sidaas ku dishay askariga waxaana askariga magaciisa lanoogu sheegay Maxamuud Gurey ka dibna Dablaydii si deg deg ah ugu baxsaday goobtii ay ku dileen askariga.
Askarigan lagu dilay Tabkan cusub ee Cajiibka ah ayaa dadka degan xaafada waxay inoo sheegeen in askariga uu ahaa qori la,aan xili Qorigiisa uu ugu soo tagay qolka gurigiisa ka hor inta dhalinyaradan aysan u,imaanin asaguna iska Aaminay dhalinyaradan maadaama ay ka codsadeen in Qaad uu siiyo.