Wararka Soomaalida
Dadaalo lagu Bakhtiinayo Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha oo hadda socda
Dabkii gaystay Khasaaraha Maaliyadeed ee caawa ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa hadda waxaa lagu howlanyahay sidii loo daminlahaa. Dabkan oo ka soo bilowday Suuqa Bakaaraha qaybta lagu iibiyo Dharka ee Bacadlaha ayaa ku fiday qaybo bandan oo Suuqaas uu ka koobanyahay wuxuuna gaystay Khasaaro xoog leh sida ay inoo sheegeen Ganacsatada qaar ee […]
Dabkii gaystay Khasaaraha Maaliyadeed ee caawa ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa hadda waxaa lagu howlanyahay sidii loo daminlahaa.
Dabkan oo ka soo bilowday Suuqa Bakaaraha qaybta lagu iibiyo Dharka ee Bacadlaha ayaa ku fiday qaybo bandan oo Suuqaas uu ka koobanyahay wuxuuna gaystay Khasaaro xoog leh sida ay inoo sheegeen Ganacsatada qaar ee hadda ku sugan Suuqa Gubanaya.
Waxaa uu ku socdaa Dabka si xowli ah,Bakhaarada Waaweyn ee ku yaalla Suuqaas ayaana hadda holcaya iyadoo Ganacsataduna ay wadaan sidii ay u bakhtiijin la haayeen Dabkan caawa sida lama filaanka ah uga kacay Suuqa.
Waxaa Suuqaas ku qulqulaya Gawaarida Dabdamiska ah ee ka kala socda Shirkadaha Hormuud iyo Shirkadda Korontada BECO oo ah tan keentay in Korantadeeda ay gaysato Khasaarahan caawa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa dhankooda dadaaladii lagu joojin lahaa dabkan wada Maamulka Gobolka Banaadir oo iyana Gawaari Dabdamiska ah udiray Suuqa Bakaaraha ee Caawa Dabkan ka kacay.
Wixii Ku soo kordha kala soco insha,allaah Wargayska Tusmotimes.