Wararka Soomaalida

Dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo war horleh laga helay

Qaraxii shalay lagu qaaday Baarka laga cunteeyo ee Royal islamarkaana ka soo hor jeeda Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya Tirada dadkii naftooda ku waayey qaraxaas waxaana tirada la xaqiijiyey ee ku geeriyooday qaraxaas ay gaarayaan 15 ruux iyo dhaawaca 25 qof. Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah Axmed […]

Published

on

Qaraxii shalay lagu qaaday Baarka laga cunteeyo ee Royal islamarkaana ka soo hor jeeda Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya Tirada dadkii naftooda ku waayey qaraxaas waxaana tirada la xaqiijiyey ee ku geeriyooday qaraxaas ay gaarayaan 15 ruux iyo dhaawaca 25 qof.

Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah Axmed Saalax Xasan oo ka mid ah dhalinyarada wax ku baratay Muqdisho ka dibna reer ku sameystay.

Axmed Saalax Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii sanadkii hore ee 2018kii dib loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho lagana soo celiyey dalka Maraykanka kadib markiibTahriib uu ku galay.

Axmed Saalax Xasan iyo dhalinyaro gaarayey in ku dhaw 40 Soomaali ah oo ku xirnaa Gobolka Alabama ee wadanka Mareykanka ayaa ka dib dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay damaanad qaadeyso noloshooda dib ugu soo celinta Soomaaliya.

Axmed Saalax ayaa waxaa uu ifka kaga tagay Labo Caruur ah iyo Xaas wuxuuna hadda ka mid ahaa dhalinyarada xoogooda ku noolka ah.

.

Qaraxii shalay ka dhacay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaa mas,uuliyadiisa sheegtay kooxda Al shabaab waxayna sheegeen kooxdaas in weerarka ay ku dileen Saraakiil,siyaasiyiin iyo sirdoono Meelo kala duwan ushaqeeya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version