Wararka Soomaalida

Dagaal beeleed ka soo cusboonaaday Shabeelada Dhexe

Wararka nagasoo gaaraya deegaan udhaw Degmada Cadalle oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalamayaan koox meleeshiyaad ah oo u,abaabulan qaab qabiil. Meleeshiyaadkan ayaa isku haysta dhul ku yaala inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Jowhar ee Shabeelada dhexe kaasoo udhaw Degmada Cadalle. Dhulkan udhawa Deegmada Cadalle ee Melseshiyadan ay […]

Published

on

Wararka nagasoo gaaraya deegaan udhaw Degmada Cadalle oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalamayaan koox meleeshiyaad ah oo u,abaabulan qaab qabiil.

Meleeshiyaadkan ayaa isku haysta dhul ku yaala inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Jowhar ee Shabeelada dhexe kaasoo udhaw Degmada Cadalle.

Dhulkan udhawa Deegmada Cadalle ee Melseshiyadan ay isku haystaan ayaa maalmahanba waxaa la hadal hayey saansaanta colaadeed ee dagaalkaas ku salaysan ka dib markii deegaanka ay ka soo baxeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee halkaas muddo dheer ka sugnaa.

Sababta keentay in Ciidanka dowladda ay faaruqiyaan deegaanka hadda dagaalka ku dhaxmarayo Melseshiyadan ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xariira Mushaar la,aanta la soo gudboonaatay Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka udhawa Cadalle ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyada ay soo kala gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac aad uxooggan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version