Wararka Soomaalida

Dagaal udhaxeeya Shacabka iyo Shabaab oo ka bilowday Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Tuulooyinka Gars-yaani iyo Booco ee bariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalameen Dadka degaanadaasi ku dhaqan iyo Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab sida dadka deegaanadaas u sheegeen Wargayska Tusmotimes. Dadka degaanada lagu dagaalamay ku nool ayaa sheegay in dagaalkaas kgasaaro xooggan uu ka soo gaaray Al-Shabaab ka dib markii […]

Published

on

Wararka naga soo gaaraya Tuulooyinka Gars-yaani iyo Booco ee bariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalameen Dadka degaanadaasi ku dhaqan iyo Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab sida dadka deegaanadaas u sheegeen Wargayska Tusmotimes.

Dadka degaanada lagu dagaalamay ku nool ayaa sheegay in dagaalkaas kgasaaro xooggan uu ka soo gaaray Al-Shabaab ka dib markii iyagoo duulaan ah soo galeen deegaanada ay ku nool yihiin Shacabka waxayna shacabku intaas raaciyeen in ay arkeen qaar ka mid ah meydadka Maleeshiyada Al shabaab.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay markii ay Kooxda Al-Shabaab isku dayeen in ay si xoog ah Xoolo iyo dhaqaale ugu qaadaan Dadka halkaas ku nool sida ay nala wadaageen shacabka iyagoo dhaqaalaha Al shabaab ka doonauaan Shacabka ku sheegay in ay tahay Sakawaad.

Sidoo kale Dadka halkaas ku dhaqan ayaa sheegay in dhibaatada noocan ah ku hayaan Al-shabaab dhamaan degaannada Miyiga ah iyo Tuulooyinka ku yaala Webiga hareerahiisa balse Shacabka ay bilaabeen inay dagaal kala hortagaan iyagoo ka hor imaatanka Al shabaab u tabaabusheystay la dagaalanka Alshabaab iyo difaaca Hantidooda.

Degaanada yar ee ay kaga suganyihiin Gobolka Hiiraan Shabaab ayaa waxaay ka bilaabeen uruurinta dhaqaale iyo in ay qaataan Gaadiidka ay iyaga doonayaan sida ay sheegayaan shacabkan dagaalka lagalay Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version