Wararka Soomaalida
Dagaalka baraha bulshada X.Fiqi iyo Gu.Yariisow oo xoogaystay
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ka dhaxtaagan dagaal xoogan oo dhanka Baraha bulshada ah iyagoo is dhaafsanaya dagaal xagga qoraalka ah. Xildhibaan Fiqi ayaa waxaa uu ka mid yahay Xildhibaanada sida weyn udhaliila Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya intabadana dhaliishiisa ku soo bandhiga […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ka dhaxtaagan dagaal xoogan oo dhanka Baraha bulshada ah iyagoo is dhaafsanaya dagaal xagga qoraalka ah.
Xildhibaan Fiqi ayaa waxaa uu ka mid yahay Xildhibaanada sida weyn udhaliila Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya intabadana dhaliishiisa ku soo bandhiga baraha bulshada.
Xildhibaan Fiqi ayaa maanta bartiisa Facebook soo dhigay dhaliisha uu ka qabo shirarka amaanka looga hadlayo ee ka soda Magaalada Muqdisho.
“Shirka amniga caasimadda iyo shirka amniga caloosha oo hal mar la isla qabtay welina wadooyinka Halbowlayaasha MUQDISHO qaraxyadii waa ka jiraan sababtuna waa iska muuqataa,ugu yaraan labada shir hala kala leexsho” ayuu ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa jawaab kulul ka bixiya qoraalada dhaliisha ah ee Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Gudoomiye Yariisow ayaa qoraalkan ugu jawaabaya dhaliisha Xildhibaan Fiqi uu u jeediyay shiraraka amniga looga hadlayo ee ka socda Magaalada Muqdisho”Waa nasiib daro ah in Xil Ahmed Moallim Fiqi uu dhibsado shirarka Sugida Amniga Caasimada sida ka muuqata fariintiisa hoose. Qaswade waa kan ku farxa Qaraxa oo dhibsada dadaalada Amniga sida Fiqi oo kale. Allaha soo hanuuniyo si uu arko horumarka Caasimada”