Wararka Soomaalida
Dagaalka ka dhexeeya kooxaha Al shabaab iyo ISIS oo sii xoogaystay
Waxaa sii xoogaystay dagaalka ka dhexeeya kooxaha Al shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ee dhoorkii bilood ee la soo dhaafay hanjabaadyo hawada isumarinayey. Kooxaha ISIS iyo Al shabaab ayaa dhoor jeer dagaal uu ku dhexmaray buuralayda Gal-gala ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaa la sheegay in seddax dagaal oo Al shabaab ku qaaday kooxda ISIS […]
Waxaa sii xoogaystay dagaalka ka dhexeeya kooxaha Al shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ee dhoorkii bilood ee la soo dhaafay hanjabaadyo hawada isumarinayey.
Kooxaha ISIS iyo Al shabaab ayaa dhoor jeer dagaal uu ku dhexmaray buuralayda Gal-gala ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaa la sheegay in seddax dagaal oo Al shabaab ku qaaday kooxda ISIS ee ay ka fulisay buuralaydaas looga dilay xubno farabadan oo Al shabaab ah.
Kooxda ISIS oo dhankeeda weerar ku qaaday Al shabaab ayaa iyana la sheegay in xubno aan ka yareen kuwii ay kaga dishay Al shabaab dagaalkii Gal-gala kuwo aan ka yareen.
Hadda ayaa labada dhinac waxay soo saareen amaro koox waliba ku soo rogtay shacabka degan deegaanada ay maamulaan,amaradan cusub ee kooxaha ISIS iyo Al shabaab ay ku soo rogeen shacabka Ku nool deegaanada ay xukaan ayaa waxaa ka mid ah.
1-Al shabaab oo shacabka u jeediyey in ay ka qayb qaataan dagaalka dalka looga saarayo kooxda ISIS.
2-kooxda ISIS oo dhankooda u jeediyey shacabka in kaalin ku siiyaan sidii Al shabaab looga ciribtiri lahaa dalka.
ISIS iyo Al shabaab ayaa waxay isku haystaan Xukunka dalka iyadoo kooxdan labaxday ISIS horay uga tirsaneed Al shabaab,waxaana hogaamiye u,ah Wadaad la yiraahdo Sheekh Cabdiqaadir Muumin.