Wararka Soomaalida

Dalka Sudan oo lagu soo rogay bandow Seddax bilood ah

Ka dib markii Ciidanka Milatariga dalka Sudan xilkii ay ka xayuubiyeen Madaxweynihii dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa waxaa dalka la geliyey xaalad deg deg ah muddo seddax bilood ah. Madaxweyne ku xigeenka dalka Sudan ahna wasiirka Gaashaandhiga dalkaas sidoo kale ah Taliyaha Milatariga Sudan Jannaraal Axmed Cawad Ibnu Cowf oo ahaa shaqsigii ugu […]

Published

on

Ka dib markii Ciidanka Milatariga dalka Sudan xilkii ay ka xayuubiyeen Madaxweynihii dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa waxaa dalka la geliyey xaalad deg deg ah muddo seddax bilood ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Sudan ahna wasiirka Gaashaandhiga dalkaas sidoo kale ah Taliyaha Milatariga Sudan Jannaraal Axmed Cawad Ibnu Cowf oo ahaa shaqsigii ugu horeeyey ee maanta Saxaafadda u xaqiijiyey in xukunkii laga tuuray Cumar Xasan Al Bashiir ayaa caawa shaaciyey in dalka Sudan la geliyey Seddax bilood oo ah xaalad deg deg ah.

Axmed Cawad Ibnu Cowf ayaa Madaxweyne ku xigeen waxaa loo magacaabay markii ay soo bilowdeen muharaadyada shacabka Sudan dhamaadkii sanadkii hore ee 2018kii waxaana xilkaas u magacaabay Cumar Xasan Al Bashiir iyadoo ka hor uu ahaa Taliyaha Ciidanka Milatariga dalka Sudan ahaana Wasiirka difaaca dalkaas.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka uu umagacaabay Jannaraal Axmed Cawad Ibnu Cowf,Cumar Xasan Al Bashiir wuxuu u,arkayey inuu kaga badbaadayo xaalada adag ee ka haysatay shacabkiisa ee ku kacay.

 

Cowf markii ugu horeysay waxaa Taliye looga dhigay Ciidanka sirdoonka Sudan sanadkii 2003dii sidoo kale waxaa uu madax ka,ahaa Gudi saraakiil ah oo loo xilsaaray xalintii dhabaatadii Darfur ee Sudan.

Ibnu Cowf shacabka iyo Siyaasiyiinta reer Sudan waxay u arkayeen gacanta midig ee Al Bashiir iyadoo xataa Madaxweynaha uu aaminsanaa inuusan qiyaameynin laakiin maanta ayey wax waliba kala cadaadeen ka dib markii uu xiray Madaxweynihiisii xilkiina ka qaaday.

Axmed Cawad Ibnu Cowf waxaa shaqsi da,ahaan aan waxba ka yarayn Al Bashiir waana khabiir Milatari Kulliyadda Ciidankana kaga soo baxay dalka Masar Magaalada Qaahira da,diisu waxaa lagu sheegay 75 sano jir.

Xafiisyadii dowladda Sudan iyo guud ahaan xukunkii dalkaas ayaa waxaa gacanta ku dhigay Milatariga ilaa xal kale uu ka imaanayayana waxaa la sheegay in Milatariga Sudan xukunka uu sii haynayo.

Talaabadan isbedelka ah ee maanta ka dhacay dalka Sudan ayaa waxaa soo dhaweeyey shacabka Sudan ee sida weyn uga soo hor jeeday Cumar Xasan Al Bashiir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version