Wararka Soomaalida
Dalka Turkiga oo soo saaray Gaari Koronto ku shaqeeya
Munaasabad maanta oo Jimco ah ka dhacday Caasimada dalka Turkiga ee Ankara ayaa waxaa lagu soo bandhigay Gaarigii ugu horeeyay ee ku shaqeeya Koronto Electric Car oo casri ah waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda Turkiga iyagoo si aad ah usoo dhaweeyay farsamadan cusub iyo horumarka uu ku talaabsaday dalka Turkiga.
Gaarigan cusub ee ku shaqaynaya Korontada Electric Car ee dalka Turkiga uu soo saaray ayaa waxaa soo saartay Shirkadda Gawaarida ee TOGG ee laga leeyahay dalka Turkiga waxaana munaassbada laga sheegay in farasamada gaarigan ku shaqaynaya Korontada ay iska kaashadeen 100 Engineering oo Turki ah qaarna shirkadda ka howlgala qaarna farsamada gaarigan awgeed dhawaan shirkada TOGG laga howlgaliyay.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka qayb galay munaasabadaasi ayaa siweyn usoo dhaweeyay horumarka dalkiisa uu ku talaabsaday wuxuuna sheegay in hibilooyinkii 60 sano ka hor ay ku taamayeen hadda ay gaareen.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in shirkadda TOGG ee farsmadan cusub la timid waxweyn ku soo kordhisay dalka Turkiga sidoo kalana kor uqaada magaca iyo sumcada dalkiisa,xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Party kaalin dhaqaale uu ku bixin doono horumarinta Shirkadda farsmada gawaarida ee TOGG.
Farsamada gaarigan casriga ah ee dalka Turkiga uu soo saaray ayaa waxaa laga fikirayay muddo dhan 13 sanadood iyadoo dhowr sanadood farsamadan uu ka fashilmay dalka Turkiga in gaari la mid ah kuwa ay soo saaraan wadamada Yurub iyo Maraykan ay soo saaraan laakiin dadaal dheer ka dib hadda ay ku guulaysteen inay soo saaraan gaari casri ah.
Gaarigan ay soo saartay Shirkadda Gawaarida ee TOGG ayaa qiimihiisa waxaa lagu sheegay inuu joogo $22 billion oo Dollar una dhiganta ₺3.7 billion oo ah lacagta Lira ee dalka Turkiga.