Wararka Soomaalida
Dalxiisayaal ajanabi ah oo soo gaaray Muqdisho+sawiro
Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray Dalxiisayaal ajanabi ah kuwaasoo udhashay dalka Shiinaha waxayna booqdeen goobo Dalxiis oo aad uquruxbadan. Dalxiisayaashan udhashay dalka Shiinaha ayaa waxay sawirro ku soo galeen meelihii ay booqdeen oo ah Xeebaha Magaalada Muqdisho iyagoo aad ugu riyaaqay imaanshaha Magaalada Muqdisho iyo goobaha ay isku soo sawirreen. Maamulka […]
Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray Dalxiisayaal ajanabi ah kuwaasoo udhashay dalka Shiinaha waxayna booqdeen goobo Dalxiis oo aad uquruxbadan.
Dalxiisayaashan udhashay dalka Shiinaha ayaa waxay sawirro ku soo galeen meelihii ay booqdeen oo ah Xeebaha Magaalada Muqdisho iyagoo aad ugu riyaaqay imaanshaha Magaalada Muqdisho iyo goobaha ay isku soo sawirreen.
Maamulka sare ee Gobolka Banaadir ayaa Daxiisayaashan ku soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho ka dibna geeyey goobaha Dalxiiska ku fiican ee Xeebaha Gobolka Banaadir waxaana ka mid ah goobaha la geeyey ee ay ku soo damaashaadeen Dalxiisayaashan ajanabiga ah sida Daljirka Dahsoon,Xeebaha Liido iyo sidoo kale Jazeera iyagoo si cabsi la,aan ah ugu soo damaashaaday Dalxiisayaashan Shiinaha udhashay goobihii maanta la geeyey.
Dalxiisayaashan udhashay dalka Shiinaha ee maanta yimid Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxay gaarayaan ku dhawaad 15 ruux oo rag iyo dumarba iskuuga jira ka dibna ku soo dalxiisay Xeebaha Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa marka laga soo tago xaalada amaan daro ee ka jirta ayaa hadana soo jiidatay in ay yimaadaan dad ajanabi Dalxiisayaal ah waxaana dhowr mar Magaalada Muqdisho sidan oo kale u yimid Dalxiisayaal wadamo kala duwan kasoo jeeda iyadoo markii dambe ku damaashaaday xeebaha quruxdabadan ee Magaalada Muqdisho ka dibna dib ugu laabtay dalalkoodii ay ka yimaadeen.