Wararka Soomaalida

Danjiraha cusub ee Soomaaliya dalka Sudan oo waraaqadihiisa laga gudoomay

Published

on

Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Sudan Axmed Isaaq Ibraahim ayaa maanta waxaa si rasmi ah waraaqadihiisa aqoonsi safiirnimo ka gudoomay Madaxada siyaasada Qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan.

Danjire Axmed Isaaq Ibraahim ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha golaha siyaadada qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Safiirka Somalia u fadhiya Sudan, isagoo balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Danjire Axmed Isxaaq Ibraahim ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan ku dhaqan inay si hagar la’aan ah ugala shaqeeyaan gudashada waajibaadkiisa shaqo ee loo soo igmaday.

Trending

Exit mobile version