Wararka Soomaalida

Danjiraha Soomaaliya ufadhiya QM oo difaacay Go,aanka Dowladda Soomaaliya

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya halka ay wax umarayaan Madaxda Soomaaliya. Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa,ayna ku raad joogto dadkii […]

Published

on

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya halka ay wax umarayaan Madaxda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa,ayna ku raad joogto dadkii ka dambeeyey falkaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale si faahfaahsan Golaha ula wadaagey horumarka dhinacyada badan leh ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Abuukar ayaa xusay in dowladda hadda jirta ay si dhaw ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey isla markaasna Soomaaliya ay QM ku biirtey sannadkii 1960-kii madaxbannaanideedana ay heshay, ayna ixtiraamto qawaaniinta iyo shuruucda QM.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduunweynaha Caalamka.

Danjire Abuukar oo ka hadlay dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco,Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago oo aan la dibandaabyeynin.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyaga oo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan oo jallaatada gadi jirey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version