Wararka Soomaalida

Danjirihii QM Soomaaliya ee Xafiiska Geneva oo Deg Deg loogu yeeray

Warqad kasoo baxday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in mudo isbuuc xarunta Wasaarada  ku timaado Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka. Sida aan Wararka ku helnay u yeerida safiirada ayaa salka ku heysa kadib markii ay si lama filaan ah uga […]

Published

on

Warqad kasoo baxday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in mudo isbuuc xarunta Wasaarada  ku timaado Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka.

Sida aan Wararka ku helnay u yeerida safiirada ayaa salka ku heysa kadib markii ay si lama filaan ah uga aamustay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Dowlada Soomaaliya ayaa kamid noqotay shan dal oo ka aamusay codeynta cambaareynta go’aanka Maraykanka, waxaana go’aanka dowlada amakaag iyo lama filaan ku noqotay Wadamada Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version