Local News

Darawalada Gawaarida Xamuulka Qaada oo tiro ahaan dhan 200,000 ayaa waayaya shatiga ay baabuurta ku wadaan

Published

on

200,000 oo kun oo ah Darawalada gawaarida xamuulka qaada ayaa Trump kala kulmaya cadaadis ay ku waayi kara shatiyada ay baabuurta ku wadaan.

Sharci cusub oo dhaqan galaya toddobaadkan ayaa sababaya in laga qaadi karo, oo lagala noqon karo shatiga ilaa 200,000 oo kun darawalada gawaarida xamuulka qaada ee muhaajiriinta ah. Darawaladdan ayaa haysta liisanka darawalnimada ganacsiga, ee loo yaqaano CDL-ka.

Sharcigan cusub ee dhaqan galaya todobaadkan ayaa mamnuucayaan inta badan muhaajiriinta inay haystaan ​​shatiyada. Maamulka Trump ayaa ka reebay dadka shatiga laga qaadayo dadka haysta sharciyadda H-2A (shaqaalaha beeraha ee ku meel gaarka ah), H-2B (shaqaalaha aan beeraha ahayn ee ku meel gaarka ah) ama E-2 (maalgashadayaasha).

Sharcigan dhaqan galaya todobaadkan ayaa waxaa kamid ah dadka shatiga lagla noqonayo ee la mamnuuco dadka magangalyo doonka ah, sidoo kale muhaajiriinta haysta sharciga ku meel-gaarka ah ee loo yaqaano TPS.

Darawaladu waxay waayi doonaan shatiyadooda marka ay ka dhacaan, isla markiiba ma waynayaa shatiga u ogolaanaya in ay baabuurta wadaan, balse marka uu shatigu ka dhaco looma cusbaynaysiinayo. Maamulka Trump ayaa ku qasbaya goboladda Mareykanka in ay hubiyaan darawaladda haysta shatigan ee ka diwaan gashan gobol kasta.

Trending

Exit mobile version