Wararka Soomaalida
Deegaanada Galmudug oo ka bilowday ololaha Musharaxiinta Madaxweynaha
Deegaanada maamulka Galmudug ayaa hadda waxaa ka bilowday Olole xooggan iyadoo shaqsi kasta dadaal xoog leh uu gelinayo sidii ku heli lahaa kursiga Madaxweynaha Galmudug waxaana ololahaas ku loolamaya labo Musharax Madaxweyne Galmudug kuwaas oo kala ah.
1-Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.
2-Musharax Madaxweyne Galmudug Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa.
Labadan siyaasi ee Musharaxiinta ah ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa waa wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud hadana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
Axmed Qoor-qoor ayaa horay usoo noqday wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumaddan hadda shaqaysa iminkana wuxuu xil sare kahayaa mid ka mid ah wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu hogaamiyo.
Labada Musharax ee loolanka adag udhexeeya ayaa waxay ka kala socdaan labo Xisbi,Xisbi horay dalkan usoo xukumay ee la,oranjiray Damuljadiid xiligii talada dalka gacantooda ku jiray waxanaa gudoomiye ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo Xisbigaas hadda magaca laga bedelay waxaana lagu magacabaa UPD waxaana Gudoomiye ka ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka socda Musharax Cabdiraxmaan Odawaa.
Iyo Xisbiga hadda talada dalka maamula ee la yirahdo Nabad iyo Nolol waxaana la sheegaa in Madaxweyne Farmaajo uu Gudoomiye qarsoon ka yahay waxaana ka socda Musharax Axmed Qoor-qoor.
Labada Musharax ee tartanka soo jiidashada beelaha udhexeeya ayaa ku wadasugan degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud halkaas oo mid waliba geeskiisa ula kulmayo Odayaasha talada ka go’da ee beelaha Galmudug.
Inkastoo Musharaxiinta udhimantahay Ololihii iyo kala shukaansigii Golaha Baarlamanka Galmudug ayaa haddana waxay ku loolamayaan kasbashada beelaha iyo qancinta Odayaasha dhaqanka 11 beelood ee Galmudug ay wax ku qeebsadan.
Wali majiro Musharax sedaxaad oo isku soo taagay xilkan waxayna badan tahay in ay jiraan Musharaxiin qarsoon oo darsaya qaabka ay wax udhacayaan aakhirkiina ku dhawaaqi doonaan hadafkooda siyaasadeed.
Magaalada dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka furmay shirkii dib uheshiisiinta beelaha Galmudug oo hadda maraya heer gabagabo ah waxaana ku xiga soo xulista Golaha cusub ew Baarlamanka maamulka Galmudug.
Markii la soo gabagabeweyo soo xulista Xildhibaanada ayaa waxaa laguda geli doonaa doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.