Wararka Soomaalida
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka taagan cabsi dagaal
Ciidamda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xilli hore la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoos taga degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ka dib dagaal ka dhacay Deegaankaasi oo Al shabaab ay maamulayeen in muddo ah.
Ciidanka Xoogga dalka ee maanta dagaalka kula wareegay deegaanka Masaahid Cali-Gaduud ayaa waxaa dagaal rugaal celis ah ku soo qaaday Maleeshiyadii Alshabaab ee deegaanka laga saaray sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminaysa Ciidanka qabsaday Masaahid Cali-Gaduud waxaana la sheegay in dagaal xoog leh uu dhaxmaray labada dhinac.
Howlgalka saaka lagu qabtay deegaanka Masaahid Cali-Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa horkacayay Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise wuxuuna sheegay in Al shabaab saaka xoog ugu saareen deegaan muhiim ah oo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.
Wararka halkaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Deegaankaasi hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee maanta dagaalka kula wareegay deegaanka Masaahid Cali-Gaduud.
Xaalad dagaal ayaa caawa lagu soo waramayaa inay ka taagantahay deegaanka Masaahid Cali Gaduud iyo nawaaxigiisa sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah dadka deegaanka cabsida ka taagan tahay ku sugan.
Deegaanka Masaahid Cali Gaduud ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay maamulayay kooxda Al shabaab.
Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka ayaa galabta Al shabaab ka saaray deegaanka Ceelgub oo 10 KM ujira Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada dhexe ka dib dagaal ay la galeen kooxda Al shabaab oo muddo halkaas maamulayay.
Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ayaa sheegay in Degaannada laga saaray Al-Shabaab ay ahaayeen goobo muhiim u ah kooxda Al shabaab isla markaana ay kasoo abaabulayeen weerarada ay fuliyaan iyagoo Saraakiisha hadaladooda intaas ku daray in hadda ay socdaan howlgallo miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanadii saaka ay ka saareen kooxda Al shabaab.