Wararka Soomaalida
Deg Deg dagaal xoogan oo ka socda xerada Asluubta

Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dagaalamaya agagaarka xerada Asluubta ee Muqdisho iyadoo Ciidanka Haramacad la yiraahdo iyo kuwa Asluubta udhaxeeyo dagaalka.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu gaarayo ugu yaraan 5 qof oo rayid ah inay ku dhinteen halka dhaawaca uu gaarayo ugu yaraan 7 qof oo rayidka ah sida dadka ku sugan meesha dagaalkan uu ka socda inoo sheegeen iyadoo shacabkan ku dhintay dagaalkaas udhaxeeya Asluubta iyo Ciidanka Haramacad ay ubadan yihiin Haweenkii Qaadka ku iibinayay Excontrol afgooye oo kaabinka ku haya xerada Asluubta.
Dhinaca labada Ciidan ayaa waxaa la sheegayaa in khasaaro iskuuga jira dhimasho iyo dhaawac isu gaysteen dagaalka udhaxeeya awgeed.
Wixii ku soo kordha arimahan dagaalka ah kala soco Wargayska Tusmotimes insha’allah.