Wararka Soomaalida
Deg-Deg Garowe oo ka furmay shir iskaashi cusub ah
Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa caawa waxaa shir ugu furmay Maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ka dib markii shirkaas uu furay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni sida wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ay sheegayaan. Shirkaas ka furmay Garowe ee cusub ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Siyaasiyiin ka mid ahaa […]
Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa caawa waxaa shir ugu furmay Maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ka dib markii shirkaas uu furay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni sida wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ay sheegayaan.
Shirkaas ka furmay Garowe ee cusub ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Siyaasiyiin ka mid ahaa Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo ku haray Garowe iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyadoo shirkan cusub lagu dhisayo Iskaashi cusub sida wararka hordhaca ah ee aan ka helayno xarunta shirka Garowe.
Wargayska Tusmotimes wararka uu ka helayo Madasha shirka cusub ee Garowe ayaa tibaaxaya inay ubadan tahay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni uu ka bixi doono iskaashigii Maamulada Galmudug iyo Jubbaland kuna biiri doono Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.
Haddii ay dhab noqoto wararkaas ee ka bixitaanka Puntland ee iskaashigii Galmudug iyo Jubbaland iyo ku biiritaanka xulafada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa waxay noqon doontaa guul usoo hooyatay Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo jab siyaasadeed uu soo wajahayo Axmed Madoobe iyo Xaaf ee Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.
Sidoo kale waxaa shirkaas ee ka furmay Garowe caawa salaadii Cishaha ka dib ku sugan qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan madasha Shirka cusub ee Garowe ka socda ay tibaaxayaan.
Wixii ka soo baxa shirkaas ee caawa fiidkii ka furmay Garowe kala soco insha,Allah Wargayska Tusmotimes.