Wararka Soomaalida
Deg-Deg golaha Baarlamanka Puntland oo gudoomiye cusub doortay
Tartan doorasho oo goordhow ka dhacday xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa gudoomiye Baarlamaan oo cusub ku doorteen Gudoomiye bedelaya Gudoomiyihii Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo dhawaan qaar ka mid ah golaha Baarlamanka Puntland ay sheegeen in xilkii Gudoominino ay ka qaadeen ka dib codayn ka dhacday xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe.
Doorashadan maanta ka dhacday xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ah Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.
Wareega koowaad ee u codeynta Musharaxiintan ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ah Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17 Cod.
Ugu dambayn doorashadaas Gudoonka cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku guulaystay Xildhibaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil wuxuuna helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod.
Guddiga doorashada ayaa intaas ka dib ku dhawaaqay natiijada codadka sida loo kala helay waxayna sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland uu ku guuleestay Xildhibaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil waxaana Gudoomiyahan cusub ee Baarlamanka Puntland uu badelayaa Gudoomiyihii dhawaan xilka laga tuuray Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo caro awgeed uguuray gobolka Sanaag oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.
Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa horay usheegay in sharcidaro loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyay wuxuuna intaas hadalkiisa ku daray inuu wali yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ee sharciga ah.