Uncategorized

Deg Deg Hotel ku yaala Gaalakacyo oo qaraxyo iyo weerar lagu galay

Published

on

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ayaa sheegaya in caawa dablay hubaysan weerar qaraxyo ah ay ku qaadeen Hotelka ku yaalla Gaalkacyo ka dibna gudaha ugalay Hotelka dablayda wax weeraratay.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa la sheegay inay deganaayeen Taliyaasha Ciidanka Lugta Jannaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Jannaraal Cabdicasiis Qooje.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyaasha kala ah Cabdicasiis Qooje iyo Cabdixamiid Maxamed Dirir ay ka badbaadeen weerarkaasi lagana saaray Hotelka ayna badqabaan sida aan xogta ku helnay.

Hotelka weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ilaa hadda xabad socoto.

Wixii ku soo kordha kala socda insha allah Wargeyska Tusmotimes.

Trending

Exit mobile version