Wararka Soomaalida
Deg Deg maxkamada ICJ oo markale dacwadii Badda dib udhigtay
Maxkamada ICJ ayaa markale dib udhigtay dacwadii ka dhaxaysay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ka dib dalabyo farabadan oo Kenya ugudbisay maxkamada caalamaiga ah ee ICJ.
Maxkamada Caalamaiga ah ee ICJ ayaa waxay galabta go’aamisay in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya laga dhigo June 8-12, 2020 Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga badda maxkmada waqtigan loo go,aamiyay.
Hadda go,aankan Maxkamadda ICJ ayaa ah in muddo 9 bil ah dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay iyadoo la qancinayo codsiga Kenya.
Go’aankaan ay gaadhay Maxkamada ICJ ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid kama dambays ah islamarkaana mar dambana dib loo dhigi doonin.
Xigasho Cali Siciid Fiqi Safiirka Midowga Yurub ee soomaaliya