Wararka Soomaalida

Deg Deg Jannaraal Yuusuf Cagey oo hoygiisa lagu dilay

Published

on

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Cagey.

Jannaraal Yuusuf Cali Cagey oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caanaha ee Muqdisho.

Dilka ayaa dhacay goor dhow, waxaana wali la heyn faa faahin rasmi ah oo ku aadan cida ka dambeysay dilka loo geystay Jannaraalka, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo xoogga dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka uu ka dambeeyay dilka Yuusuf Cagey gacantana lagu dhigay ka dibna la xiray waxaana la sheegayaa inay isku haysteen arimo dhul.

Trending

Exit mobile version