Local News

Deg Deg: Labo Dhallinyaro ah oo Minneapolis lagu dhaawacay

Published

on

Waxaa waxyar ka hor magaalada Minneapolis is xabadeeyay dhallinyaro Soomaali ay ku jiraan. Toogashadan iyo is xabadeyntan oo weli baaritaankeedu socdo ayaa waxaa la sheegayaa in labo dhallinyaro ah ay hadda dhaawac yihiin. Welina lama sheegin heerka xaaladoodu ku sugan tahay.

Is xabadeyntan oo mardhow dhacday ayaa ka bilaabatay agagaarka Starbucks-ka ku yaala xaafadda Cedar-Riverside, waxayna ku dhamaatay xaafad ku taala jidka Franklin, waa sida aan warbixinta ku helnay. Waxaa kale oo la sheegayaa in labadda dhallinyaro ee dhaawaca ah mid kamid ahi uu yahay Oromo, balse weli ma anaan xaqiijin warkaas.

Haddaba warkan ayaa ah mid deg-deg ah, waxaad kala socotaa Tusmotimes wixii warbixin ah ee ku soo kordha toogashaddan iyo dhallinyarada is dhaawacday.

Trending

Exit mobile version