Wararka Soomaalida
Deg Deg Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilkii laga qaaday
Cismaan Cabdulaahi Guure oo ahaa Maareeyihii xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa galabta xilkii laga qaaday ka dib amar ka soo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya. Cismaan Cabdulaahi Guure Maareyihii Tiyaatarka Qaran ayaa xilkii laga qaaday asagoo dalka ka maqan wuxuuna ku sugan yahay dalka Turkiga sababo jira awgeed. Sababta xilka looga qaaday […]
Cismaan Cabdulaahi Guure oo ahaa Maareeyihii xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa galabta xilkii laga qaaday ka dib amar ka soo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.
Cismaan Cabdulaahi Guure Maareyihii Tiyaatarka Qaran ayaa xilkii laga qaaday asagoo dalka ka maqan wuxuuna ku sugan yahay dalka Turkiga sababo jira awgeed.
Sababta xilka looga qaaday Cismaan Cabdulaahi Guure Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka ayaa waxay tahay ka dib markii Idaacadda Kulmiye oo Cismaan Cabdulaahi Guure Madax ka yahay maanta ay baahisay war sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ogolaaday in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre xilka laga qaado ka dib markii Madaxweynaha uu cadaadis beesha caalamka kala kulmay.
Warkaas oo ahaa mid been ah oo laga fiirsanin ka dib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay beenisay warkaas Idaacadda ka baxay.
Cismaan Cabdulaahi Guure ayaa waxaa uu yahay Milkiilaha Idaacadda Kulmiye waana sababta salfatay Guure inuu ku waayo xilkii uu ka hayey Xarunta Murtida iyo Mada daalada ee Tiyaatarka Qaranka.
Xil ka qaadista lagu sameeyey Cismaan Cabdulaahi Guure ayaa asagoo ku sugan dalka Turkiga wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo xilka laga qaaday.
Cismaan Cabdulaahi Guure ayaa sheegay in xilka uu yahay meerto Madaxdii xilka ka qaaday markii horana umagacawday ay ku mahadsan yihiin xilka qaadista ay ku sameeyeen,aadna ugu faraxay markii ay soo gaartay in xilka laga qaaday.
Wuxuuna ku tilmaamay talaabada ay qaaday Madaxtooyada Soomaaliya mid uu soo dhaweynayo kuna faraxsan yahay markii uu ku soo laabto Magaalada Muqdisho uu wareejin doono xilkii laga qaaday.
Warkii maanta Kowdii Duhurnimo ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee beenta ahaa ayaa waxaa ka carooday dhamaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacbaka Soomaaliyeed ka dib markii dib ay ka ogaadeen in warkaas uu ahaa mid aan waxba ka jirin oo been abuur ahaa.