Wararka Soomaalida
Deg-Deg Sarkaal horay Al shabaab u,ahaa oo geeriyooday
Saalax Xaaji Ibraahim oo muddo dheer ka mid ahaa Saraakiisha Al shabaab ka dibna ka soo goostay asaga iyo Ciidan aad ubadan sanadkii 2015kii ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay. Saalax Xaaji Inraahim oo loo yaqaanay Sheekh Saalax ayaa soo caanbaxay sanadkii 2015kii ka dib markii Al shabaab uu lagalay dagaal […]
Saalax Xaaji Ibraahim oo muddo dheer ka mid ahaa Saraakiisha Al shabaab ka dibna ka soo goostay asaga iyo Ciidan aad ubadan sanadkii 2015kii ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Saalax Xaaji Inraahim oo loo yaqaanay Sheekh Saalax ayaa soo caanbaxay sanadkii 2015kii ka dib markii Al shabaab uu lagalay dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ugu dambayntiina dhul badan oo Shabeelada hoose ka mid ah xoog ugu saaray.
Saalax Xaaji Ibraahim ee Al shabaab dhaxdooda looga yaqaanay Sheekh Saalax ayaan jirin cid ka caawisay la dagaalanka Al shabaab iyadoo Shabaab uu ka suuliyay deegaano farabadan oo ka tirsan Gobolka shabeelada Hoose.
Sarkaalkan horay ugu mid ahaa Al shabaab ayaa maalmahanba ku xanuunsanayay Isbitaalka Baydhabo sida aan ka soo xiganay eheladiisa oo ku sugan Shabeelada hoose.