Wararka Soomaalida
Deg-Deg Suuqa Bakaaraha oo Dab qabsaday
War hadda ku soo dhacay Xafiiska Wararka Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Dab uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dabkan ayaa waxaa uu qabsaday qaybta Bacadlaha ee dharka iyo Roogagga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha. Qaar ka mid ah Suuqlayda Bakaaraha oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in Dabkaas uu ka bilowday […]
War hadda ku soo dhacay Xafiiska Wararka Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Dab uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dabkan ayaa waxaa uu qabsaday qaybta Bacadlaha ee dharka iyo Roogagga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha.
Qaar ka mid ah Suuqlayda Bakaaraha oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in Dabkaas uu ka bilowday Koronto ka dibna uu ku faafay qaar bandana oo ka kooban Dukaamo iyo Bakhaaro farabadan oo ay ka buuxaan Dhar iyo waliba Roogagga la,iibiyo.
Dabkaas ayaa baabi,iyey Bakhaaharada iyo Dukaamada Bacadlaha,ah ee Suuqa Bakaaraha ee caawa Dabkan uu ka kacay.
Wixii soo kordha kala soco Tusmotimes insha allaah.