Wararka Soomaalida

Deg-Deg Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo saaxibadiis oo Xoriyaddooda dib uhelay

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Saxafiyiintii la socotay ee lagu xiray Degmada Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida dhulka Itoobiya ayaa Xoriyaddooda dib uhelay sida goordhow uu nagu soo gaaray Warkan. Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo saaxiibadiis ayaa Degmada Gaashaamo waxaa ku xiray Ciidanka Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dib markii dhowaan halkaas ay u tageen […]

Published

on

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Saxafiyiintii la socotay ee lagu xiray Degmada Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida dhulka Itoobiya ayaa Xoriyaddooda dib uhelay sida goordhow uu nagu soo gaaray Warkan.

Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo saaxiibadiis ayaa Degmada Gaashaamo waxaa ku xiray Ciidanka Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dib markii dhowaan halkaas ay u tageen si ay ubaaraan tacadigii ku dhacay Bulshadaas xiligii uu madaxweynaha uu ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar. 

 

 

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo fariin ka hadlaysa xarigooda iyo dib uhelida xoriyaddooda soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa waxaa uu u dhigay sida tan”Waanu ka badbaadnay dhagartii na loo maleegay, waxa aanu ku suganahay magaalada Jigjiga , waxa ay mahadi u sugnaatay Allaah, waxa aanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo na garab istaagtay”

Coldoon iyo Saxafiyiinta la socota ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in maalinta beri ah ama maalmaha soo socda ay ka soo ambibixi doonaan Magaalada Jigjiga oo hadda ay ku suganyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version