Wararka Soomaalida
Deg Deg xarunta Dhuusa-mareeb oo xoog lagula wareegay
Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ayaa goordhow la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta xarunta degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ka dib khilaafka xagga maamul usamaynta Galmudug ee Ahlusun iyo dowladda federaalka oo gaaray meel aad usaraysa iyadoo xaruntan la qorsheynayay inay la wareegaan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka dibna Ahlusuna ay ka hordhaceen ka dib markii qorshahaasi ay ogaadeen.
Qaar ka mid ah shacabka degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku nool oo la hadlay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in xaalada Degmada caawa aaney fiicnayn oo saansaan colaadeed laga dareemayo iyagoo inoo xaqiijiyay in xaruntii degmada si buuxda ula wareegeen Ciidamada Ahlusuna ka dib markii si awood ah kula wareegeen.
Xiisad xoogan ayaa hadda lagu soo waramayaa inay ka dhax taagan tahay Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii xaruntii si xoog ah ku qabsadeen Ahlusuna iyo sidoo kale in la rasaaseeyay madaxa golaha wasiirada ee Galmudug Maxamed Shaakir Cali xasan ahna xubin sare oo ka tirsan Ahlusuna.
Wararka uu ka helayo Dhuusa-mareeb Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Ciidamo farabadan oo Ahlusuna ah ay ka soo ruuqaansadeen Saldhigyo ay kulahaayeen qaybo kamid ah Galgaduud waxaana la sheegayaa in Ciidamadan oo aad uhubaysan ku qulqulayaan magaalada Dhuusa-mareeb sida wararka aan helayno ay sheegayaan.
Xaalada Dhuusa-mareeb oo caawa kacsan wixii ka soo cusboonaado kala soco Wargayska Tusmotimes Insha allah.