Wararka Soomaalida
Deg-Deg:Ciidamada amaanka oo xiray ninkii caruurtiisa Sumeeyey
War hadda ku soo dhacay war qabadka Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ee Degmada Hodan Gacanta ay ku dhigeen ninkii Caruurtiisa Sumeeyey kaasoo lagu magacaabo Ibraahim. Ciidamadan oo uu horkacayo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan ayaa waxaa la noo sheegay in markii hore ay soo gaareen Isbitaalka Daarul-shifa oo Afar Caruur […]
War hadda ku soo dhacay war qabadka Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ee Degmada Hodan Gacanta ay ku dhigeen ninkii Caruurtiisa Sumeeyey kaasoo lagu magacaabo Ibraahim.
Ciidamadan oo uu horkacayo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan ayaa waxaa la noo sheegay in markii hore ay soo gaareen Isbitaalka Daarul-shifa oo Afar Caruur ah isla markaana wiilal ah lagu daweynayo Isbitaalkaas ka dib markii Aabahood uu Sumeeyey.
Aabaha dhalay Caruurtan oo ka mid ahaa dadkii wax ka soo qaaday Caruurtii uu Sumeeyey ayaa wax yar ka dib iskiiga tagay Isbitaalka waxaana la sheegay in uu ku laabtay guriga.
Guriga ayaa waxaa la sheegay in ay jiifaan Caruur kale oo ka mid ah kuwiisa ee uu Sumeeyey balse xaaladooda soo hagaagtay.
Ciidamada ayaa warbixin waxay ka dhagesteen dadkii Isbitaalka la joogay Caruurta intaas ka dib waxay u dhaqaaqeen dhinaca guriga.
Ciidamada ayaa guriga kaga hormaray inta Oday Ibraahim ee Sumeeyey Caruurtiisa soo gaarin wax yar ka dib waxaa guriga yimid Ibraahim oo khabaar moog ka ah Ciidanka ku sugaya gurigiisa.
Ciidamada oo udiyaar garoobay qabashada ninkan Caruurtiisa dhibaatadaas u hor seeday ee doonayey in uu ku laayo ayaa markii uu soo garaacay Al baabka guriga gacanta ku dhigay waxayna ula,dhaqaaqeen dhinaca Saldhiga Booliska Degmada Hodan halkaas ayuu ku hooyanayaa Caawa Ibraahim ee Sumeeyey Caruurta uu dhalay.
Qaar ka mid ah dadka deriska la,ah ninkan magaciisa Ibraahim lagu soo koobay ee Caawa Sumeeyey Caruurtiisa ayaa waxay inoo sheegeen in Ibraahim haweenayda udhashay Caruurtan Isbuuc ka hor ay kala tageen oo uu furay.
Waxa ku kalifay Ibraahim in dhacdadan xanuunka badan uu ku kaco ayaa waxay ku macneeyeen in ay soo wajahday xaalad Caafimaad daro oo dhanka Maskaxda ah isla markaana la xariirta arrimaha ku saabsan kala tagga,asaga iyo Xaaskiisa.