Wararka Soomaalida
Deg Deg:Ciyaartii kooxaha Dharkenley iyo Waabari oo baaqatay
Ciyaartii adkayd ee caawa lafilayay inay dhaxmarto Kooxaha Dharkenley iyo Waabari ee u soo gudbay FINAL ayaa caawa lagu dhawaaqay inay baaqatay iyadoo ilaa hadda la sheegin sababta u baaqatay Ciyaartaas oo shacab aad ubadan sugayeen ciyaarta cajiibka ah ee labadan koox hardanka ku dhaxmari doonto garoonka ciyaaraha ENG Yariisow Stadium ee degmada Cabdicasiis.
Garoonkaasi ENG Yariisow Stadium ayaa waxaa buux dhaafiyay taageeriyaash labada kooxood iyo shacabka Degmooyinka Waabari iyo Dharkenley si ay toos ugu daawadaan ciyaarta adag ee labadan degmo ciyaartoydooda dhaxmaraysa.
War si hoose uu u helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in garoonka xataa ay ku sugnaayeen labada Gudoomiye degmo ee Dharkenley iyo Waabari si dhiiragelin ugu muujiyaan ciyaartoyda loolanka ka dhexeeya.
Baaqashadan oo ah tii labaad ayaa tan caawa waxaa loo badinayaa in sabab u tahay Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku maqan dalka Ruushka magaalada Sochi ee dalkaasi kaga qayb galay shirkii iskaashiga dhaqaale ee Africa iyo Ruushka oo galabta soo idlaaday in imaashaha Madaxweynaha lala sugayo si koobka ubixiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maalinta beri ah lafilayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ka dibna habeen dambe ama habeenka ku xiga ee axada mid kood labadan koox ciyaartooda dhici doonta sida hadda la saadaalinayo.