Wararka Soomaalida
Deg-Deg:Dowladda federaalka Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Warbixintii Kenya
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Jawaab Deg-Deg ah oo adag ka bixisay Warbixintii uu qoray Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ee lagu qoray Warbixin sheegaysa in hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit ee ku yaalla wadada 14 ee Bartama Magaalada Nairobi ku yaalla ee todobaadkii hore Al shabaab ay weerareen hubkaas ay leedahay […]
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Jawaab Deg-Deg ah oo adag ka bixisay Warbixintii uu qoray Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ee lagu qoray Warbixin sheegaysa in hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit ee ku yaalla wadada 14 ee Bartama Magaalada Nairobi ku yaalla ee todobaadkii hore Al shabaab ay weerareen hubkaas ay leedahay Dowladda Soomaaliya Ciidankoodana laga iibiyey.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey Shan qori oo ay wateen Shan ka mid ah raggii weeraray Hotelka lagu ogaaday Siiriyal Lambarka ee hubka lagu ogaado,lagu aqoonsaday in hubkaas horay ay u,iibsatay Dowladda federaalka Soomaaliya waxaana Warbixinta intaas ku dartay in baaritaanka lagu ogaaday ay muujisay Calaamada “So” sidaas awgeed hubkaas ay leedahay Dowladda Soomaaliya.
Haddaba waxaa arintan Jawaab adag ka bixiyey lataliyaha dhinaca Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali,wuxuuna sheegay in Warbixintan markii ay soo baxay, ay kala xiriireen Dowladda Kenya ayna usheegtay Kenya Madaxda Soomaaliya in War rasmi ah oo dhankooda ka soo baxay ee ku aadan hubkan iyo Warbixintaas waxba kala soconin sidaas awgeed Warbixinta ay tahay mid mala,awaal ah.
Lataliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Wargayska Warbixintiisa qofka uu soo xiganayo uu leeyahay wax u,eg hubka Soomaaliya balse cadayn uusan haynin sidaas darteed hub Dowladda Soomaaliya ay leedahay suurta gal,ahayn in ay u gacan galaan Kooxda Al shabaab Warbixintana ay tahay been iyo waxba kamajiraan.
Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Soomaaliya hab casri ah Madaxda federaalka Soomaaliya udiiwaan geliyeen hubkooda,lambarada hubka,Askarta iyo Talisyada laga xukumo sidaas darteed qaab hub ay leeyihiin Ciidanka Qaranka Dowladda federaalka Soomaaliya uu ugu gacan gelikaro Al shabaab aaney jirin.