Wararka Soomaalida
Deg-Deg:dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go,aankii Kenya(Akhriso)
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa jawaab waafi ah ka soo saartay go,aankii shalay ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya ee ahaa in Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Kenya Muqdisho u soo dirtay koodiina uyeertay. Shir xalay ilaa caawa fiidkii soo gaaray oo u dhexeeyey mas,uuliyiinta ugu saraysa dowladda Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor laga soo saaray War-Saxaafadeed lagu […]
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa jawaab waafi ah ka soo saartay go,aankii shalay ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya ee ahaa in Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Kenya Muqdisho u soo dirtay koodiina uyeertay.
Shir xalay ilaa caawa fiidkii soo gaaray oo u dhexeeyey mas,uuliyiinta ugu saraysa dowladda Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor laga soo saaray War-Saxaafadeed lagu faafaahiyey go,aanka Dowladda Soomaaliya.
War-Saxaafadeedkan oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagana baahiyey TVGA Dowladda Soomaaliya ee SNTV ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya dhul ay leedahay Kenya gaynin shirkii sahminta shidaalka Soomaaliya ee lagu qabtay Magaalada London kana suurtagalaynin Soomaaliya arrimaha noocaas ah.
Waxaa kaloo lagu sheegay Warkan jawaabta u ah talaabadii Kenya ay qaaday in wixii tabasho ah ee ku saabsan Dhinaca badda ee Kenya ay u qabto Soomaaliya kala xaajoodaan Maxkamadda caalamiga ah (I C J) ee Heeg.
Hoos ka Akhriso warka saxaafadeedka
1-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida,qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka.
2-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.
3-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay.
4-Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.
5-Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.
6-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.
7-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.