Wararka Soomaalida

Deg Deg:Guri ku yaala xaafad ka mid ah Wardhiigley oo dagaal ka socda

Sida ilo xog,ogaal ah ay inoo sheegeen dagaal ayaa hadda wuxuu ka socdaa Guri ku yaala dhabarka dambe Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho. Dadka ku nool xaafada uu ku yaalo gurigaas ayaa waxay sheegayaan in ay ku jahwareersan yihiin Xabadaha ka dhacaya gudaha iyo dibadda gurigan ee ku yaala Xaafad ka mid […]

Published

on

Sida ilo xog,ogaal ah ay inoo sheegeen dagaal ayaa hadda wuxuu ka socdaa Guri ku yaala dhabarka dambe Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool xaafada uu ku yaalo gurigaas ayaa waxay sheegayaan in ay ku jahwareersan yihiin Xabadaha ka dhacaya gudaha iyo dibadda gurigan ee ku yaala Xaafad ka mid ah xaafadaha degmada Wardhiigley.

Rasaastaas oo ah mid labo dhinac ka soo dhacaysa sida dadka xaafada ay u sheegeen Wargayska Tusmotimes ayaa waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan.

Warka hore wuxuu sheegayaa in Ciidamada amaanka ee Muqdisho ay ka war heleen in gurigaas ay ku jiraan rag hubaysan ka dibna Ciidanka weerar ay ku qaadeen guriga.

Warka xiga ayaa sheegaya nin hubaysan oo Bam Gacmeed ku weeraray fariisin Ciidanka amaanka ay ku suganyihiin ka dibna uu ku cararay gurigaas Ciidamadiina ay ugu daba galeen Gurigii uu ku cararay Qofkii Bam gacmeedka ku weeraray sidaasna dagaalka uu ku bilowday.

Warkan oo si Deg Deg ah nagu soo gaaray wixii faa-faahin ah ee ku saabsan ee Warkaas ka soo kordha waa inoo hadhaw insha,allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version