Wararka Soomaalida

Deg Deg:Madaxweynaha Qaranka oo si caro leh ugu hadlay dilkii Cismaan Boqorre

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo dalka dibadiisa safar ugu maqan ayaa waxaa si caro leh ugu hadlay dilkii galabta loo gaystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya ee Al shabaab ay ku dileen degmada Kaaraan ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi udiray ehelkii uu ka baxay […]

Published

on

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo dalka dibadiisa safar ugu maqan ayaa waxaa si caro leh ugu hadlay dilkii galabta loo gaystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya ee Al shabaab ay ku dileen degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi udiray ehelkii uu ka baxay Xildhibaanka iyo shacabka Soomaaliyeed intuba waxaa kaloo ugu tacsiyadeeyey saaxiibadii ay is yaqaaneen iyo Golaha shacabka wuxuuna Alle ugu baryey in dambigiisa uu cafiyo janadiisana ugu bishaareeyo.

“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka maqan.

Madaxweynaha ayaa Canaan ujeediyey laamaha amniga sababta ay ku baxsadeen dambiiliyaashii dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre wuxuuna laamaha amniga uu faray in ay baaris deg deg ah ku sameeyaan soona xiraan ciddii falkaas wuxuushnimada ah ka damaysay ayna hor keenaan sharciga si loogu oofiyo dambiga ay galeen.

War si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in laamaha amniga ee Muqdisho ay qabteen gaarigii dilka Xildhibaanka lagu fuliyey iyo darawalkii gaarigaas waday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version