Wararka Soomaalida
Degmada Garbahaarey oo 28 sano ka dib yeelatay Ciidan gaar ah Sawiro
Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa muddo dhoor bilood ah waxaa tababar ugu socday Ciidan gaaraya 300 oo Askari,Ciidankaas oo ay tababar siinayeen Saraakiisha sara,sare ee Booliska Soomaaliya laguna tababaray Garbahaarey gudaheesa. Ciidamadan ayaa maanta tababarkii u soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo maal mahaanba ku sugnaa xarunta Gobolka […]
Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa muddo dhoor bilood ah waxaa tababar ugu socday Ciidan gaaraya 300 oo Askari,Ciidankaas oo ay tababar siinayeen Saraakiisha sara,sare ee Booliska Soomaaliya laguna tababaray Garbahaarey gudaheesa.
Ciidamadan ayaa maanta tababarkii u soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo maal mahaanba ku sugnaa xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.
Ciidabkan loo soo xiray tababarka ayaa waxay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaana lagu wareejiyey amaanka Degmada Garbahaarey.
Garbahaarey ayaa waxaa maamulayey 6-dii sano ee la soo dhaafay Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo markii hore Al shabaab xoog kaga saaray Degmadaas sanadkii 2014kii
Waa markii ugu horaysay Degmada Garbahaarey ay yeelato Ciidan booliis ah tan iyo dhicitaankii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.