Wararka Soomaalida

Degmada Jilib oo duqeyn lagu dilay Xubin ka mid ah Al shabaab

Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose ayaa 24 bishan Juun waxaa ka dhacday duqeyn xagga cirka ah oo ay sameeyeen Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM loo yaqaano ee AFRICA ka howlgala. Duqeyntaas oo loo adeegsaday diyaarad nooca dagaalka ah ayaa waxaa lagu weeraray xero Ciidan oo Al shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Jilib sida lagu sheegay […]

Published

on

Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose ayaa 24 bishan Juun waxaa ka dhacday duqeyn xagga cirka ah oo ay sameeyeen Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM loo yaqaano ee AFRICA ka howlgala.

Duqeyntaas oo loo adeegsaday diyaarad nooca dagaalka ah ayaa waxaa lagu weeraray xero Ciidan oo Al shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Jilib sida lagu sheegay War ka soo baxay AFRICOM maanta oo talaado ah.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ka dhacday degmada Jilib lagu dilay mid ka mid ah kooxda Al shabaab kuwo kalana lagu dhaawacay sida lagu xusay War-Saxaafadeedka AFRICOM.

“Waxaan Todobaadkan duqeyn ka fulinay degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya waxaana la beegsanay xero Ciidan oo Al shabaab ku leeyihiin degmadaas waxaa halkaas ku dhintay hal shaqsi oo kooxda Al shabaab ka mid ahaa halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Duqeyntaas oo ay fulisay hal diyaarad oo kaliya ayaa waxaan markii horaba ka fikirnay in wax yeelo soo gaarto dadka rayidk ah sidaas ayaana samaynay oo majiraan wax dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaas aan ka fulinay Jubbada dhexe”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka AFRICOM ka soo baxay.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in wixii dheeraad ah ee ka soo kordha arinta duqeynta Jilib ah soo sheegi doonaan sida ugu dhow iyagoo intaas raaciyay wixii macluumaad ah ee ku saabsan duqeymaha ay ka wadaan Soomaaliya laga helikaro cin waanada Internedka ay ku leeyihiin.

Taliye ku xigeenka howlgalka AFRICOM Jannaraal Robert A. Huston ayaa wuxuu sheegay inay xoojinayaan howlgalada dhinaca duqeymaha ah ee Soomaaliya ay ka wadaan ilaa kooxaha islaamiyiinta ah laga sifaynayo guud ahaan Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa loogu mahad celiyay saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Taliska AMISOM waxaa kaloo intaas lagu diray in la,aantooda suurta gasheen inay fulilaan tallaabooyinka marwalba ay ka qaadaan Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version