Wararka Soomaalida

Degmada Xamarweyne oo maamul cusub yeelatay

Wareegto maanta ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa waxaa Gudoomiyaha degmada Xamarweyne loogu magacaabay Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo horey xilkan usoo qabtay. Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sidoo kale horey u soo noqday Gudoomiyaha degmada shangaani iyadoo markii dambe laga qaaday. […]

Published

on

Wareegto maanta ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa waxaa Gudoomiyaha degmada Xamarweyne loogu magacaabay Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo horey xilkan usoo qabtay.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sidoo kale horey u soo noqday Gudoomiyaha degmada shangaani iyadoo markii dambe laga qaaday.

Degmada Xamarweyne ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafayba lahayn wax maamul ah markii laga reebo Gudoomiye ku xigeenada Degmadaasi oo iyana aaney wax awood ah ku lahayn Degmada.

Degmada Xamarweyne markii xalka laga qaaday Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa waxaa loo magacaabay Cumar Shariif jeeg iyadoo markii dambe intii xilka laga qaaday ka dibna xabsiga la dhigay in kastoo markii dambe xabsiga laga soo daayey.

Wixii intaas ka dambeeyey degmada Xamarweyne malahayn Gudoomiye waxaana hadda lagu soo celiyey oo loo soo magacaabay Gudoomiye horey usoo maamulay degmadaas.

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah 17 Degmo ayaa hadda waxaa wali mas,uul loo magacaabin oo jagadaas ay banaanta ahay Degmada shangaani ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii degmadaas iyadoo waliba mas,uulkaas xil ka qaadista lagu sameeyey uu ka maqnaa dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version