Wararka Soomaalida

Deni iyo Yamamoto oo kulmay+sawiro

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni iyo Safiirka Maraykanka ufadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland. Kulanka uu Madaxweynaha Maamulka Puntland uu la yeeshay Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiirada Maamulka Puntland,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni iyo Safiirka Maraykanka ufadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Kulanka uu Madaxweynaha Maamulka Puntland uu la yeeshay Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiirada Maamulka Puntland,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo Cabdisemed Maxamed Gallan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda”.

“kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version