Wararka Soomaalida
Deni oo qaliin lagu sameeyay ka dib Garowe ku laabtay
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee Caasimadda gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ka dib safaro uu ku soo kala maray Itoobiya iyo imaaraadka carabta muddo labo todobaad ah.
Siciid Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Safarkiisii hore wuxuu ku maray Itoobiya iyadoo halkaas maalmo joogay ka dibna wuxuu udiilay Dubai iyadoo halkaas intabadan safarkiisa ku soo qaatay.
War si hoose uu u helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Siciid Deni maalmihii uu ku sugnaa Dubai lagu sameeyay Qaliin fudad markii udhamaatay howlihii Caafimaad ee uu utagay Dubai dib ugu soo laabatay Xafiiskiisa ee magaalada Garowe sida aan xogtan ku helnay.