Community
Dhacdo Amniga la xiriirta oo Masaajid Minnesota ku yaala ku kaliftay salaada Jimce in la baajiyo
Waxaa maanta baaqatay Salaadii Jimce iyo dhamaan adeegyaddii ka socday Masaajidka Dar Al-Faaruuq ee ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota kaddib markii uu nin aanan la garaneynin uu dhismaha Masaajidka korkiisa koray.
Shaqsigan aanan la garaneynin waxa uu yahay iyo sababta keentay in uu koro jiingadda iyo korka kore ee dhismaha masaajidka ayaa keentay cabsi iyo jaho wareer la xiriirta amniga. Maamulka Masaajidka oo bogga ay ay ku leeyihiin Facebook ku sheegay in ay baajiyeen Salaadii Jimce maanta, sababta loo baajiyay salaada iyo dhamaan adeegyadda ka baxa masaajidka ay tahay arrin la xiriirta amniga oo uu sababay ninka koray dhismaha masaajidka.
Waxaa isla markiiba goobta uu masaajidku ku yaalo soo gaaray ciidanka amniga iyo booliiska magaalada Bloomington oo ay la socdaan shaqaalaha gurmadka dab-demiska oo iyagu gurmad deg-deg ah ku soo gaaray Masaajidka Dar Al-Faruuq. Mudo hal saac ah kaddibna ciidanka booliiska iyo shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ayaa ku guulaysatay in la qabto shaqsigii ama ninkii koray dhismaha masaajidka. Ninkan oo aan weli la shaacinin wuxuu yahay iyo sababta keentay in uu koro jiingadda dhismaha masaajidka ayaa xiran oo ay booliiska magaalada Bloomington gacanta ku hayaan.
Haddaba bishii Augost ee sannadkii 2017-dii ayaa masaajidkan waxaa lala beegsadday Bomb iyo waxyaabaha qarxa xili salaadii subax ah. Waxaa loo xiray oo maxkamad la geeyay dambina lagu helay saddedii nin ee iyagu ka dambeeyay qaraxa lala beegsaday masaajidka.
Waxaa marar baddan soo noqnoqday dhibka iyo sida ula kaca ah ee loo beegsanayo masaajidka Dar Al-Faaruuq iyo shicibka ku xiran masaajidka iyo dhamaan adeegyadda ka baxa. Waxaa marar baddan la isku dayey in khal-khal la geliyo amniga masaajidka. Dhacdadan maanta dhacday ayaana ah tii ugu dambeysay ee lagu weeerarayo masaajidkan dadka Muslimiinta ah ee ku cibaadeysta.
Xigashadda sawiradda: Mohamed Omar (Maamulaha Masaajidka Dar Al-Faaruuq)