Wararka Soomaalida
Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Gaalkacyo+Sawiro
Magaalada Gaalakacyo ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Haweenay qiyaastii 40 jir ah oo isku egaysiisay Ragga iyadoo xiratay dharka Ragga sida Macawiis,Shaar iyo Camaamad sidoo kale madaxa sida Ragga oo kale ujaratay iyadoo Haweenaydaas muddo sanado ah ku nooleed Magaalada Gaalakacyo ka dib xog lahelay. Haweenaydan lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa magaceeda rasmiga ah […]
Magaalada Gaalakacyo ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Haweenay qiyaastii 40 jir ah oo isku egaysiisay Ragga iyadoo xiratay dharka Ragga sida Macawiis,Shaar iyo Camaamad sidoo kale madaxa sida Ragga oo kale ujaratay iyadoo Haweenaydaas muddo sanado ah ku nooleed Magaalada Gaalakacyo ka dib xog lahelay.
Haweenaydan lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa magaceeda rasmiga ah wuxuu yahay Deeqo Cabdullaahi iyadoo shacabka reer Gaalkacyo iskuuga sheegatay ama isku bartay magac rageed sida Deeq Cabdullaahi sidaasna haween badan xiriir ku lahaayeen.
Ciidamada Booliska Gaalkacyo ayaa meel fagaaro ah ku soo bandhigay Deeqo Cabdullaahi ka dib markii Haweenaydan ay ka soo qabteen Xaafad ka mid ah Gaalkacyo saaka aroortii hore.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa saxaafadda usheegay in Haweenaydan isku egaysiisay Ragga xirrir xooggan la lahayd haween farabadan oo ka mid ah haweenka Gaalkacyo iyadoo Rag iskiiga dhigtay
Deeqo Cabdullaahi ee labaxday Deeq Cabdullaahi ayaa la sheegay in xarun weyn oo Ganacsi ku laheyd Magaalada Gaalkacyo iyadoo xaruntaas Ganacsi macaamiisheeda inta ugu badan ay ahaayeen Haween sida la sheegay.
Dhinaca kale Taliska Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay in Haweenaydan Ragga isku egaysiisay ay hubaysneed markii ay soo qabanayeen kuna hubaysneed Bastoolad markii ay waydiiyeena usheegtay Booliiska in goobteeda Ganacsi ee ay ku leedahay xaafad ka mid ah Gaalkacyo ku ilaasanaysay.
Sidoo kale Deeqo Cabdullaahi ayaa waxaa kaloo lagu soo qabtay islamarkaana lala soo bandhigay Caag macmal ah oo usamaysan sida Xubinta taranka Ragga.
Haweenyadaas lagu magacaabo Deeqo Cabdullaahi ee labaxday Deeq Cabdullaahi raggana isku egaysiisay haween badana Saaxiibka lahayd ayaa hadda waxay ku xiran tahay xabsi ku yaala Magaalada Gaalkacyo.
ilaa hadda lama oga waxa ku kalifay Deeqo Cabdullaahi inay ku kacdo arimahaan layaabka leh ee lagu soo qabtay.