Wararka Soomaalida

Dhacdo xabuunbadan oo ka dhacday Muqdisho+sawiro

Mid ka mid ah Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacday arrin naxdinbadan islamarkaana ka yaabisay shacabka degmadaas ku nool. Arintaas ayaa waxay ahayd ka dib markii hooyo Soomaaliyeed oo Xaamilo ah ay timid Isbitaalka Wardi lagu macaabo xili haweenayda ay wajahaysay xanuunka foosha. […]

Published

on

Mid ka mid ah Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacday arrin naxdinbadan islamarkaana ka yaabisay shacabka degmadaas ku nool.

Arintaas ayaa waxay ahayd ka dib markii hooyo Soomaaliyeed oo Xaamilo ah ay timid Isbitaalka Wardi lagu macaabo xili haweenayda ay wajahaysay xanuunka foosha.

Haweenaydaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Khatro markii ay gudaha Isbitaalka gashay oo dhaqaatiirta u sheegtay inay fool hayso ayaa waxaa la waydiiyey in ay bixiso lacag dhan $20 doollar, balse ma,aysan haynin, Dhaqaatiirtana waxay u sheegeen in aanan waxba loo qabaneynin haddii aysan bixineynin lacagtaas ka dib waxay iskiiga soo baxday gudaha Isbitaalka iyadoo xanuunka foosha oo aad kulul dareemeyso.

Irida Isbitaalka markii ay mareysay ayaa waxay ku dhacday Isbitaalka hortiisa iyadoo ilmahana ay ka soo jeedeen waxaa caawiyey oo ka Umuliyey nin wadada marayey ka dib markii uu dukaan laamiga dhinaciisa ku yaalay uu ka soo iibsaday Sakiin iyadoo si nabad ah ku Umushay ilaahayna ku kala keenay.

Hooyo Khatro ayaa waxay ka mid tahay Qoysaska danta yar ee barakacayaasha ah iyadoo Odaygeediina uu ku maqnaa Magaalada si uu u soo dhiciyo nolol maalmeedkooda.

Sawirka idiin muuqda waa dadkii oo ku soo xoomay hooyo Khadra xilliga ay ku hor foolanaysay Isbitaalka Wardi banaankiisa.

Dadka xaafada ayaa Isbitaalka Wardi u bixiyey Isbitaalkii arxandarada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version