Wararka Soomaalida
Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Muqdisho+sawiro
Isbitaalka Daarul-shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa la keenay 4 Caruur ah ka dib markii Aabaha dhalay Caruurtaas uu cabsiiiyey Sun ka dibna Caruurtii ay galeen xaalad jahwareer ah. Ninkan Caruurtiisa cabsiiiyey Sunta ayaa waxaa magaciisa uu ku soo koobay Ibraahim wuxuuna ka mid ahaa dadkii Caruurtan keenay Isbitaalka. Xaaladan ayaa waxaa la sheegay […]
Isbitaalka Daarul-shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa la keenay 4 Caruur ah ka dib markii Aabaha dhalay Caruurtaas uu cabsiiiyey Sun ka dibna Caruurtii ay galeen xaalad jahwareer ah.
Ninkan Caruurtiisa cabsiiiyey Sunta ayaa waxaa magaciisa uu ku soo koobay Ibraahim wuxuuna ka mid ahaa dadkii Caruurtan keenay Isbitaalka.
Xaaladan ayaa waxaa la sheegay in la ogaaday ka dib markii Caruurtan Aabahood uqasay si ulakac ah Sunta ka dibna uu Cabsiiiyey Auntie uu qasay Caruurtiina ay galeen xaalad jahwareer ah sida Hunqaaco,Mantak iyo qaylo ay ku soo baxeen dadkii deriska la,ahaa sidaasna lagu keenay Isbitaalka.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Daarul-shifa oo baaray waxa ku dhacay Caruurta ayaa ogaaday in Sun ay Cabeen markiiba waxaa hadlay Odayga dhalay Caruurtaas wuxuuna sheegay in asaga si qasad,ah u siiyey Sunta Caruurtiisa.
ilmahaas Aabahood Sameeyey ee hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Daarul-shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa,ah Afar wiil waxaana jira qaar kale oo ay ku jiraan gabdho oo looga soo tagay Xaafada iyagoo xaaladooda ka soo raysay ka dib dhibkii Aabahood ugaystay.
Dhacdadan xanuunka iyo la yaabka leh ayaa caawa maqribkii ka dib waxay ka dhacday Xaafad ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Labo ka mid ah Caruurta ayaa hadda ku jira xaalad miir dabool ah sida ay inoo sheegeen dhaqaatiirta Isbitaalka Daarul-shifa.
Oday Ibraahim ee cadeeyey in Caruurtiisa uqasay Sun ka dibna Cabsiiiyey ayaa waxaa uu ka hadlay sababta ku kaliftay in Caruurtiisa si ulakac ah usiiyo Sunta.
Wuxuu sheegay ninkaas in Isbuuc ka hor ay kala tageen Xaaskiisa ee Caruurtan udhashay intaas ayuu ku gaabsaday wuxuuna u ekaa nin isku buuqay ama Maskadiisa fiyoobeen oo xaalad CaafImaad daro soo wajahday.