Wararka Soomaalida
Dhalinyarada Motto Bajaajka oo dibadbax ka dhigay Muqdusho+sawiro
Dhalinyarada ku shaqeysata Motto Bajaajka ayaa galabta dibadbax ka dhigay Magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka mid ah kuwa Minishiibiyada uu dilay nin dhalinyaro ah kana mid ahaa Bahda Motto Bajaajka Muqdisho. Dibadbaxaas ayaa ka bilowday Isgoyska Dabka wuxuu markii dambe uu isku xiray wadooyinka Buudooyinka ee kala qeebiya Degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab […]
Dhalinyarada ku shaqeysata Motto Bajaajka ayaa galabta dibadbax ka dhigay Magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka mid ah kuwa Minishiibiyada uu dilay nin dhalinyaro ah kana mid ahaa Bahda Motto Bajaajka Muqdisho.
Dibadbaxaas ayaa ka bilowday Isgoyska Dabka wuxuu markii dambe uu isku xiray wadooyinka Buudooyinka ee kala qeebiya Degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ilaa wadada KM 4 ee Muqdisho.
Markii ay xoogeysteen dibadbaxyadan ay dhigayeen Bahda Motto Bajaajka ee Muqdisho ayaa waxaa ka hor tagay Ciidanka Booliska ee wadooyinka hareerahooda ku sugan waxayna sheegeen dibadbaxayaasha in ay joojiyaan rabshadaha iyo dhagax tuuriyada iyadoo Ciidanka Booliska sheegay dibadbaxyadan in la soo qabanayo Askarigii dilay saaxiibkooda shaqada.
Bahdii Motto Bajaajka ayaa ogolaaday dalabka Ciidanka Booliska waxayna iskuuga yimaadeen KM4 iyadoo wax yar ka dib uu soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.
ENG Yariisow ayaa kaga tacsiyadeeyey Bahda Motto Bajaajka geerida ku timid ninka Motto Bajaajka wadaha ka,ahaa wuxuuna u sheegay dibadbaxyada in sida ugu dhaqsiyahabadan loo soo qabanayo Askarigii dilay Motto Bajaaj lahii.
“Waxaan booqday goobaha ay isugu soo baxeen Dhallinyarada Bajaajka waxaana u balan qaadnay in si deg deg ah sharciga loo horkeeni doono askarigii dilka geystay, waxaan sidoo kale ugu mahadcelinay sida ay bajaajleyda had iyo jeer uga qeyb qaatan u, adeegida bulshada”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.
Dibadbaxyadii Motto Bajaaj leyda ahaa ayaa markii dambe iskiiga huleelay wadooyinkii ay ka dhigayeen mudaharaadka.
Mudaharaadkan cabashada ah ee galabta ay dhigeen Motto Bajaajliyaasha Muqdisho ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo mararbadan sidaan oo kale dil loogu gaystay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wadiyaasha Mootto Bajaajka ka dib markii ay isku dhaceen Ciidanka Dowladda.
Darawaliinta Motto Bajaajka ee sida xowliga ah ugu howlgala Magaalada Muqdisho oo ubadan dhalinyaro ka yar da,da 30 ka sano sida ay ubadan yihiin ayaa dhalinyaradaas waxay,yihiin kuwa intooda badanba ka Madax adeega amarka Ciidamada ilaaliya amaanka wadooyinka Muqdisho waana sababta keenta in dalkooda uu batto kaxeeyiyaasha Motto Bajaajka.