Wararka Soomaalida

Dhalinyaro Al shabaab iyo Daacish tirsanaa oo lagu toogtay Boosaaso

Published

on

Maxkamad ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa saaka waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay 5 dhalinyaro ah oo muddo ku xirnaa xabsi ku yaala magaaladaasi Boosaaso ka dib markii horay loogu soo xukumay xukun dil toogasho ah.

Laamaha ammniga Puntland ayaa dhalinyaradan waxay ku soo eedeeyeen dilalkii dhowr bil ka hor ka dhacay Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland iyo sidoo kale weeraro Bam gacmeedyo ahaa oo dhowr jeer lagu qaaday Saldhiga Ciidanka booliska Puntland ee Boosaaso in iyaga ay yihiin kuwii falalkaas ka dambeeyay.

Dhalinyaradan 5ta ah ee saaka xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa dhowr bil ka hor Ciidamada ammniga Puntland ka soo qab qabteen deegaanada maamulka ka dib howl-gal kala duwan oo Ciidamada ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada waxaana lagu eedeeyay raggan inay ka tirsanaayeen kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Magacyada 5tan xubnoood ee saaka toogashada lagu fuliyay ee ku eedeysanaa Al shabaab iyo Daacish ayaa Maxkamada waxay raggan magacyadooda ku kala shewgtay.

1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah

2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah.

3-Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah.

4-Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah.

5-Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Puntland iyo tan racfaanka maamulka ayaa dhalinyaradaasi seddax bil ka hor ku xukumay dil toogasho ah ka dib markii ay qirteen dambiyadii lagu soo oogay sida ay sheegeen Saraakiisha Maxkamada Ciidamada iyo tan racfaanka ee maamulka Puntland ka dibna saaka xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay lagu fuliyay.

Trending

Exit mobile version