Wararka Soomaalida
Dhamaan Madaxda Maamul goboleedyada oo jeediyey Khudbado Xasaasi ah
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo hadalka ku hormaray ayaa waxaa uu,uhambalyeeyey Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ka dib waxaa uu sheegay in Madaxda Maamulada uu kaga duwan yahay Magaalada Garowe oo ay ku nool yihiin shacab aad utirobadan oo deegaan ahaana ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Waxaa ku […]
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo hadalka ku hormaray ayaa waxaa uu,uhambalyeeyey Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ka dib waxaa uu sheegay in Madaxda Maamulada uu kaga duwan yahay Magaalada Garowe oo ay ku nool yihiin shacab aad utirobadan oo deegaan ahaana ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Waxaa ku xigay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf waxaana hambalyo ka dib uu sheegay in midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay uuna jecel yahay dhowrida midnimada umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku xigay ayaa,asna intii oo kale ka hadlay in la iscafiyan ku soo gunaanaday khudbadiisa.
Axmed Maxamed(Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeeyey khudbadda Madaxda Maanulada waxaana hadalkiisa ubadnaa sarbeeb,waxaase uu cadeeyey in Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ixtiraamayaan shaqada guud ee loo doortay iyaguna lagu ixtiraamo waxa ay xaqa uleeyihiin.
Madaxweyniyaasha Maamulada ayaa waxay u,egtahay in lagu cadaadiyey in wax ka baxsan xaflada aaney khudbadooda ku sheegin.