Wararka Soomaalida

Dhawaaqii hubka ee laga maqlay Muqdisho oo faafaahin laga helay+Sawiro

Xaafadaha kala duwan ee Degmooyinka Muqdisho ayaa caawa waxaa laga maqlay dhawaqa Hubka culus iyo kan fudad oo si kala joogsi lahayn udhacaya. Shacabka Muqdisho ayaa qadka Taleefonada isku waydiinayay dhawaqa lamaqlay ee dhegahooda soo gaarayo wuxuu yahay iyo jihada uu kaga aadan yahay. Qaar ka mid ah bulshada ku nool xaafadaha udhow meesha wax […]

Published

on

Xaafadaha kala duwan ee Degmooyinka Muqdisho ayaa caawa waxaa laga maqlay dhawaqa Hubka culus iyo kan fudad oo si kala joogsi lahayn udhacaya.

Shacabka Muqdisho ayaa qadka Taleefonada isku waydiinayay dhawaqa lamaqlay ee dhegahooda soo gaarayo wuxuu yahay iyo jihada uu kaga aadan yahay.

Qaar ka mid ah bulshada ku nool xaafadaha udhow meesha wax ka dhacayeen ayaa uqaatay dhawaaq yadaas xooga leh inay yihiin Madaafiic lagu weerarayo xarumaha dowladda sida fariisimaha Ciidamada iyo dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.

Haddaba Wargayska Tusmotimes ee xafiiska Muqdisho oo udhabagalay dhawaaqa yadaan xoogan ee dhegaha shacabka jah-wareeriyay waxa ay yihiin ayaa inoo suurta gashay in ugu dambayntii aan soo ogaano dhabta waxa ay tahay.

Haddaba sida bulshada uqaadatay wax manoqonin dhawaaq yadii dhegahooda soo gaarayay ee caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa Ciidamo ku jiray dholatus iyagoo isticmaalayay Hubka culus iyo kan fudad.

Ciidankii dhowaan lagu soo tababarey Dalka dibadiisa ayaa caawa tijaabo dholatus ah ku sameeyay hawada sare ee Magaalada Muqdisho iyagoo saaran
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca sida uu inoo xajiijiyay mid ka mid ah Saraakiisha hoose ee Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa hubka culus iyo kuwa fudud ee laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa  dholatuska Ciidamada iyagoo tijaabada ku sameeyay xaruumaha Militariga ay ka deganyihiin Magaalada muqdisho sida ay inoo sheegeen Saraakiisha amniga Muqdisho qaabilsan.

Tijaabada ayaa ah sida aan xogta ku helnay habka Ciidanka usamayeeyaan dholatuska iyagoo diyaarad saaran si ay usameeyaan weerar matalaad ah uguna samayn karaan xaruumaha cadowga uu degan yahay waxaa la arkayay Ciidanka iyagoo hawada hoose diyaarad ku socta kaga soo daatay si xargo leh,qaarna ay dhulka jiifaan,islamarkaana matalaya inuu cadow soo weeraray ka dibna iska difaacaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version